Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku hubeysan Gadiidka Dagaalka, ayaa ku guul-dareystay in ay joojiyaan dagaal maalintii saddexaad ka socda Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.
Ciidamada Itoobiya oo Aroortii hore ee Saakay u gudbay Xaafadaha ay ku Dagaalamayaan Malleeshiyada iska soo hor-jeeda, balse kuma aysan guuleysan in ay soo afjaraan dagaalka, kaddib markii ay arintaa ku gacan-seyreen dhinacyada iska soo horjeeda.
Taliyaha qaybta Booliiska degmada Beledweyne Cali-dhuux Cabdi Mahad-Alla, ayaa HOL u sheegay in labada beelood ku gacan-sayreen Dadaallada lagu doonayo in lagu soo af-jaro dagaalka, siddaa daraadeed waxaa uu baaq u dirray Dowladda federaalka Somalia oo uu ka dalbaday inay soo fara-galiso xal u helida colaadda ka taagan qaybo ka mid ah Magaalada.
Sidoo kale, Maalintii Saddexaad, ayaa laga Maqlayaa Xaafadaha ay Dagaalladu ka socdaan hub culus iyo rasaasta ay is-dhaafsanayaan Dhinacyada Dagaalku u dhexeeyo oo u muuqda kuwa kala jooga agagii ay dagaallada ka billowdeen markii hore.
Ugu dambeyntii, wali waxaa jira baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo Dhinacyada iska soo horjeeda oo laga dalbanayo inay xabada sida ugu dhaqso badan u joojiyaan.








