Fatahaada wabiga SHabeelle oo magaalada Beledweyne dhex jibaaxeysa/gurmad iyo dadaal kale ma jiro.

0
796

Dadka ku nool Xaafadaha Magaalada Beledweyne, ayaa saacadihii lasoo dhaafay billaabay inay Barakacaan, kaddib markii Webiga Shabeelle uu ku sameeyay magaalada Fatahaad ballaaran.

Dadka ayaa hadba taagtooda guuraya waxaadna arkeysa qoysaska ku baxaya gadiid yar yar oo kuwa tamashlaha ah, halka qoysaska qaarna caruurtooda iyo alaabada kale ee muhiimka u ah ku qaadanayaan (gaari dameer) waloow ay jiraan qoysas kaloo intaa oo dhan Awoodin kuwaasoo aad arkeyso iyagoo caruurtooda madaxa ku sita islamarkaana dhax socda hirarka ay mowjadaha biyaha oo si xowli ah ku socda.

Xaafadaha ugu badan oo ay saameynta ugu adag ku yeesheen Biyaha ka fatahaya – Webiga Shabeelle ayaa waxaa ka mid ah, Xaawo-taako, Kooshin iyo Buundo-weyn, halka xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beleweyne meelaha qaar fatahaadda saameyn ku yeelatay.

Ugu danbeyn, Deegaannada Mustaxiil iyo Khalaafe ee Is-maamulka Soomaalida – Itoobiya oo mar walba lagala socdo hadba korarka iyo Nusqaata webiga shabeelle ayaa iyagana laga soo sheegayaa rajo ah in Naq aan badneyn Wabigu sameeyay.

beco2salaam bankttara