Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in Xubnaha Golaha Amaanka ee QM uu u xaqiijiyey inay doorashadu ku dhacayso xilliga loogu Talo-galay oo ah bisha August ee Sanadkaan lagu jiro ee 2016-ka.
Xasan Sheekh, ayaa hadalkaan ka jeediyay Muqdisho oo Maanta uu Danjireyaasha Dalalka Xubnaha ka ah Golaha Amniga ee QM kula yeeshay, kuwaasoo maanta booqasho ku yimid ku yimid Soomaaliya.
Wafdigan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u Kuur-galaya Qaban-qaabada Doorashada dalka ka dhacaya iyo tas-hiilaadka ay Dowladda Federaalka Somalia u baahan doonto, si hawshaasi looga miro-dhaliyo.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu ogsoon yahay in Waqtiga haray uu yar yahay, laakiinse heshiiskii madasha ee bishii hore la gaaray uu dhigayay in Baarlamaanku uu meel-mariyo heshiiskan, sidaa awgeedna uu filayo inay Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia fududeyn doonaan meel-marinta heshiiskaas.
“Waxaan sameynay horumar la taaban karo. Waxaa guusha horumarkaan gaarney uu mira-dhal noqon doonaa marka aan la imaano tanaasul, isla markaana aanu Ansixiyo Hannaanka Doorashooyinka Taariikhiga ah ee loo ballansan yahay. Waa in aynu ku Dadaalnaa intaanu kari karno inay hanaanka siyaasadeed ee dalka cid walba ay iska dhex-aragto, lagana dhigo barnaamij loo wada dhan yahay,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhinaca kale Madaxweynaha – ayaa ku boorriyay Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan kalsooni iyo dul-qaad. Isagoo yiri. “Waa khasab ah in Soomaalida ay ka Xoroobaan fikirka ku saleysan isku-tanaasul la’aanta, kaasoo dhalinaya is-aamin la’aan dhexdeena ah. Waa in aan ka shaqeynaa sidii aan Mashaakilaadkeenna aan xal caadil ah ugu heli lahayn.’’
Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in QM iyo Beesha Caalamka ay gacan ka geystaan sidii loo diyaarin lahaa Hanaan lagu soo afjarayo hawlgalka Ciidanka AMISOM, Tallaabadaasoo ku xirnaan doonto in si hufan loo dhameystiro dhismaha & isku dhafka ciidamada Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa Codsi uu u diray Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka kaa oo ah in la maalgeliyo barnaamijka doorashada iyo in dhalinyarada Soomaaliyeed la baro xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan.
Ergada Golaha Amaanka ee QM oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa dowladda Somalia iyo Maamul-goboleedyada dalka ugu baaqey inaan la dayacin fursadda taariiikhiga ah ee dalka doorashooyin ay uga dhacayaan, lagana fogaado in waqtiga uu ka lumo, maadaama Xilliga harsan uu aad u yar yahay.
Waxay kaloo Xubnaha Goluha Amaanka ay soo dhaweeyay dadaalka dowladda Federaalka Somalia ee dhinacyada Siyaasadda, Dimuqraadiyeynta iyo Dagaallada Argagixisada lagula jiro.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa waxaa kulanka uu la yeeshay Xubnaha Golaha ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid. Iyadoo kulanka Ergada Golaha Ammaanka ka hor uu Madaxweynuhu khudbad u jeediyay baarlamanka Somalia, isagoo ku booriyay inay Dadajiyaan meel-marinta Hannaanka doorasho ee sanadkan 2016-ka ka dhici doonta dalka.








