Wasaaradda dastuurka Xukuumadda Somalia ayaa shalay Muqdisho ka furtay Tababar ku saabsan waxbarashada Madaniga iyo ka qayb-galka bulshada ee dib u eegista Dastuurka.
Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda EISA ayaa waxaa waxaa ka qeyb galaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, sida haweenka, Dhallinyarada, Aqoon-yahanno culumaa’udiinka iyo waxgarad.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abukar Zubeyr ayaa sheegay in tababarkan uu la xiriiro, sidii bulshada looga qeyb gelin lahaa dib u eegista dastuurka iyo sidii bulshada iyo dowladda isugu xirmi lahaayeen.
Justin Doura Gore oo ah Agaasimaha Hey’adda EISA oo tababarkan bixineysa ayaa kula dar daarmay shaqaalaha tababarkan qaadanaya in ay ahmiyad siiyaan tababarka, ayna khibrad ka kororsadaan.
Ugu dambeyn, tababarkaan hey’adda EISA (Electarol Institute For Sustainable Democracy in Africa) ay siineyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa tababarro is daba joog ahaa oo la xariira arrimaha dastuurka, maadaama la doonayo in dastuurka Soomaaliya wax badan laga qabto.








