Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Inj. Saalax Shiikh Cismaan ayaa ka Warbixiyey Safar uu ku tagay Magaalada Rabaad ee xarunta dalka Marooko, halkaasoo uu kaga qayb-galay shirka horumarinta Magaaleynta ee Qaaradda Afrika, kaasoo socday 11-12 Bishaan.
Qabashada shirkan ayaa salka ku haysay, kaddib markii la ogaaday in 4-bilyan oo qof ay ku nool yiihiin Magaalooyinka Qaaradda, kuwaasoo u baahan in Magaalooyin cusub loo sameeyo, si ay ugu noolaadaan.
Wasiirka Howlaha Guud, Inj. Saalax Shiikh ayaa sheegey in shirka uu ka jeediyay khudbad uu kaga warxbiyay xaaladda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca Magaaleynta iyo Guriyeynta.
“Somalia muddo 25 sannadood ah ayay ku jirtay colaado, Waxaana hoos u dhacay dhinaca horumarinta Magaaleynta, Waayo shacabka inta badan waa barakacayaal, waxay u baahan yihiin in loo abuuri magaalooyin,“ ayuu yiri wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta Soomaaliya.
Isagoo sii hadlaya ayuu Wasiirku mar kale yiri. “Dalka Waqtigaan Nabaddiisa wa la isku haleyn karaa, sidaa darteed waxaan dalalka Afrika iyo Waddamada kale ee Caalaamka ka codsannay inay Somalia ku sameeyaan dib u dhis si loo hormariyo loona abuuro Magaalooyin cusub.“
Dhanka kale, Wasiirka hawlaha guud Inj. Saalax Sheekh intii uu k sugnaa Marooko wuxuu kulan la yeeshey RW dalkaas, Maxamed Nabiil oo ahaa dalkii mar-tigeliyay shirkaas, waxayna isla soo qaadeen xaaladda Somalia iyo sidii Maroko ay uga qayb -qaadan lahayd dib u dhiska Soomaaliya.
UGu dambeyn, Inj. Saalax Sheekh Cismaan sheegay in intii uu joogay Marooko uu kulammo la yeeshey Wasiirrada Hawlaha Guud ee dalal badan oo Afrika ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; Aljeeriya, Tansaaniya, Koonfur Afrika, Falastiin, Tuniisiya, Masar, Angola, Burkino Faso, kuwaasoo uu sheegey inuu la galay heshiisyo iyo inay soo booqdaan dalka.








