Isbaheysiga CORD taageerayaashiisa iyo ciidanka booliska dalkaKenya oo isku farasaarey Nairobi.

0
584

Iska-horimaad Sababay dhaawacyo ayaa Maanta ku Dhex-maray bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta Waddanka Kenya Ciidamada booliiska iyo Dibadbaxayaal taageersan isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD.

Rabshadahaan, ayaa yimid kaddib markii Taageerayaasha Mucaaradka Kenya ee CORD ay mudaaharaad ka billaabeen illinka hore ee Xarunta Guddiga Doorashooyinka Kenya ay ku leeyihiin Nairobi, iyadoo booliisku ay billaabeen inay ku kala eryaan gaaska ka ilmeysiiya dadka, iyagoo sidoo kalena cirka u ridayay rasaas nool.

Mudaaharaadkaan, ayaa waxaa Hoggaaminayay, Raila Odinga oo ah Hoggaamiyaha Guud ee Isbahaysiga CORD, isla markaana sannadkii 2013-kii ku guuleysan waayay doorashadii ka dhacay dalkaas.

Sidoo kale, Dhawr qof ayaa ku dhaawacmay dibadbaxan rabshadaha watay, kaddib markii ay garaaceen Booliiska Kenya, Waxaana ka mid ah laba Xubin oo ka tirsan CORD oo kala ah; Ms Nereah Okombo iyo Pamela Odhiam, kuwaasoo loola cararay Isbitaalka.

Banaan-baxayaasha Isbahaysiga CORD ayaa ka cabanayay guddiga doorashooyinka Dalka Kenya, iyagoo ku Tilmaamay kuwo aan cadaalad ahayn, Waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen, waa in xubnaha guddiga doorashada Kenya la beddelo.

Paul Wanjama, oo ka mid ah Saraakiisha Saldhiga Booliiska ee Bartamaha Nairobi, ayaa u sheegay Warbaahinta inay Xabsiga dhigeen ugu yaraan 15-qof, isagoo intaas ku daray inay sharciga horgeyn doonaan inta uusan dhammaan toddobaadkan lagu jiro.

Ugu dambeyn, Raila Odinga – ayaa sheegay in Doorashooyinka la filayo inay sannadka soo socda ee 2017-ka ka dhacaan dalka Kenya, aysan noqon karin kuwo xor ah oo cadaalad ah, haddii xubnaha Guddiga doorashooyinka ee hadda shaqeynaya ay sii joogaan, Wuxuuna ka dalbaday xukuumadda in la bedelo guddiga doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay khliaafyo ay ka dhasheen doorashooyinka, iyadoo doorashooyinkii dhacay sannadkiii 2007-kii ay sababeen rabshado ay waxyeello kasoo gaartay Dad badan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay Mas’uul ka ahaayeen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto, inkastoo dacwadoodii laga saaray daaqadda.

beco2tabaraksalaam bank