Xildhibaanno ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Sh. Dhexe oo xiriir la soo sameeyay HOL ayaa si adag uga hadlay qorshaha dowladda Somalia ee Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, iyagoo Dhinaca kalana ka digay in la iska hor-keeno bulshada ku wada-dhaqan Gobolka Hiiraan.
C/qaadir Sheekh Xanafi oo tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay in habka ay Dowladda u maamuleyso dhismaha maamulka labadaan gobol lagu tilmaami karo mid u eg jajuub iyo in lagu qasbayo bulshada labada gobol wax aysan raali ka aheyn.
”Dowladda FS waxaa looga baahan yahay inay ilaaliso sinaanta iyo cadaallada, sababtoo ah qorshaha lagu dhisayo maamulka labada gobol waxaa wali ka maqan oo aan qeyb ka aheyn qaar ka mid ah duubabkii ugu waaweynaa gobolka, siddaa daraadeed natiijo kasta oo la soo saaro waxaa ay noqon kartaa mid aan loo dhameyn oo ay adag tahay in la socodsiiyo” ayuu yiri xildhibaan Xanafi.
Gaar ahaan waxaa uu ku eedeeyay xukuumada in aysan arintan dhax-dhaxaad ka aheyn oo wasiirro ka tirsan sida ay sheegeen xildhibaanka ka shaqeynayaan howlo ka baxsan nidaamka dowladnimada.
”Waxaanu leennahay Xukuumadda Somalia waa inay Arrintan dhax-dhaxaad ka Noqontaa, waayo waxaan og-nahay in Beledweyne Wasiirro ka tirsan golaha fulinta u joogaan howlo ka baxsan nidaamka dowladnimada, taasoo Abuuri karta fowdo iyo colaad Sokeeye,” ayuu yiri xildhibaan Xanafi.
Beesha Caalamka, ayuu ugu baaqay xildhibaanka in ay dib u eegis dhab ah ku sameeyaan siyaasada dowladda ee dhismaha maamulka labada gobol, si looga fogaado cawaaqib aan wanaagsan oo marka danbe ka dhalan kara sidda ay hadda wax u socdaan.
“Waxaa noo muuqanaya cawaaqib aan wanaagsaneyn iyo in Bulshada laga dhax abuurayo Xilligaan dagaallo sokeeyo, maxaa yeelay qorshaha Dowladda FS ee dhismaha maamulka labada gobol ma’aha mid ay bulshada labada gobol raali ka wadda yihiin, beesha caalamka waxaan leenahay waa in aad arimahaa dib u eegis ku sameysaan,” ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaan Xanafi ayaa soo dhaweeyay go’aanka Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan ee ku saabsanaa in Bulshada la Nabadeeyo, isla markaana la qabto shir dib-u-hishiisiin ah.
”Waxaan si buuxda u soo dhaweyneynaa go’aanka duubabka dhaqanka ee dib-u-hishiisiinta ku saabsan, waa in dadka fursad la isku siiyo oo ay wada-hadlaan kadibna go’aan ka garaan masiirkooda iyo mustaqalka jihada ay qaadayaan” ayuu yiri xildhibaan Xanafi.
Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Cumar Macaloow oo isagana ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ee kasoo jeedda gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerar ciidan ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ku qaadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen sida uu yiri ciidan kale oo ka tirsanaa isla Dowladda.
”Waxaan aad uga xun-nahay wixii maanta magaalada Beledweyne ka dhacay in Ciidammo difaaca gobolka qeyb ka ah oo barkoontarool ku sugnaa la weeraray, halkaana uu khasaare ka dhashay, Arrintaan waxaan leennahay waa mas’uuliyad darro iyo dhibaato hor leh oo la doonayo in bulshada laga dhax-abuuro, maamulka gobolka waxaan leenahay waa in aad ka digtoonaataan arrimahan noocaa oo kale ah” ayuu yiri xildhibaan Max’ed Cumar.
Xildhibaanka ayaa dhinaca kale shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay mar walba ilaaliyaan midnimada & wada-jirka, kana fogaadaan wax kasta oo colaad keeni kara.
Ugu danbeyn, hadalka xildhibaannada ayaa imanaya xili Toddobaadyadii ugu danbeeyayba degmada Beledweyne ka jireen kulamo siyaasadeed oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda FS, kuwaasoo dhamaantood la xiriira dhismaha maamulka Hiiraan & Sh/dhexe oo aan wali leysla meel-dhigin.






