Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa Maanta kula kulmay Garoowe, Wafdi ka socday dalka Turkiga oo uu Hoggaaminayay safiirka Turkiga u fadhiya Somalia, Olgan Bakar.
C/weli Gaas iyo danjire Olgan Bakar ayaa ka wadahadlay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo dawladda Turkiga, arrimaha bulshada, xaalada bani’aadanimada, mashaariic horumarineed oo Turkigu ka wado Puntland iyo geeddi-socodka nabadda dalka.
Danjiraha Turkiga ee Somalia ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay safiirkii hore ee dalka Turkiga u joogay Soomaaliya, Dr. Kani Torun oo hadda ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Turkiga iyo guddiga arimaha dibadda ee baarlamaanka.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay wafdigan ka socda Turkiga ay Puntland u yimaadeen inay dar-dar-geliyaan mashariic hormarineed oo ay Puntland ka-wadaan iyo sidii xariirka u dhaxeeya Puntand iyo Turkiga loo xoojin lahaa.
“Wafdigaan, wuxuu noogu yimid inaan ka Wada-hadalno xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Puntland, Waxaana kawada hadalnay mashaariicda horumarineed ee ay wadaan, Arrimaha bulshada iyo tan bani’aadamnimada oo ay doonayaan inay ka sameeyaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo sidii ay geeddi-socodka nabadda Somalia uga qayb-qaadan lahaayeen,” ayuu yiri C/weli Gaas.
Sidoo kale Gaas, ayaa intaas ku daray in Puntland ay Wafdigaan ka socda Turkiga uga heli lahayd ballan-qaadyo la xiriira dhinacyada horumarinta arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo .
Dhanka kale, Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Dr. Kani Torun oo hadlay isagana ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida weyn ee Puntland loogu soo dhaweeyay, isagoo intaas ku daray inay u yimaadeen Puntland xoojinta Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntladn, C/weli Gaas ayaa kullamada ay wadda qaateen Wafdiga dalka Turkiga ka socday, Waxaa ku wehliyay guddoomiyaha wakiillada Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo wasiirro ka tirsan Puntland.






