Burcad Badeeda Soomaalida Oo Markab Ka Soo Afduubtay Dekkada Salalah ee Cumaan

0
562

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Habeenkii Xalay Ahaa Ayaa Burcad badeed Soomaali ah Qafaal U Geesatay  Markab waday Shidaal  kaasi oo taagnaa meel 3km u jirta dekkada  magaalada Salalah ee Xarunta  dalkaasi Cumaan

Waxaa Lagu Magacaabaa Markabkan Fairchem Bogey Isl Markaana laga leeyahay dalka Hindiya wuxuuna markaasi qaadayey Gaas intuu uu taagnaa banaanka dekkada Salalah ayey Markabka dushiisa koreen burcad badeed Soomaali ah kuwaasi oo Markabkan ulla soo dhaqaaqay Habeenkii  xalay dhanka Wadanka Soomaaliya Soomaaliya Oo LoogaBartay Barkabkii La So Qafaashoba in Lala Soo Aado Dalkaasii

Qafaalkaani Ay U Geestaan Markabka Laga leeyahay Dalka Hindiya ayaa kamid ah Kii ugu Dheeraa oo ay fuliyaa burcad badeeda Soomaalida ah,

Arinkaani Ayaa cabsi weyn ku abuurtay shirkadaha Maraakiibta iyo maamulada Cumaan oo la yaab ku noqotay goobta Markabkan laga faduubtay Islamarkaana Ay Fajac Galisay

Waxaa Laga Baqanayaa  in xiliyada Aan  xagaaga  Aheen ay dib u bilaabaan hawlaha Qafaalashada Maraakiibta Ay BurcadBadeeda Ka Bilowaan Xeebaha Dalalka Caalamka

Dad Farabadan Ayaa waxa AyIsweydinayaa In awooda burcad badeeda Soomaalida ay gaarsiisan tahay xeebaha ka fog dalka Soomaaliya, ayadoo horey shirkadaha ganacsiga ay dekkada Salalah u isticmaali jireen goobta Maraakiibtooda ay kasoo saartaan Illaalada hubeysan, afduubka xalay ayaa cabsi horleh ku Abuuray shirkadaha Maraakiibta iyo dowlada horay Looga Afduubtay MAraakiibta ISlamarkaana Ka Bixiyay Madaxfurasho Lacageed Oo Aad U Farabadan .

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)