Qarax ka dhacey Garoonka Ugaas KHaliif ee magaalada B/weyne oo aan la heyn ciddii ka danbeysey.

0
573

Inta la og-yahay qof Shacab ah iyo Askar ka tirsan kuwa Jabuuti ee AMISOM oo aan si Rasmi ah loo shaacin tiradooda ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dad goob-joogayaal ah ayaa warsom u sheegay in qaraxu ka dhacay Bar-koontarool oo lagu baaro dadka ka dhoofaya Garoonka, waxaana la sheegay in Qaraxa lagu soo dhax-qariyay mid ka mid ah boorsooyinkii ay siteen dadkii baaritaanka marayay.

Hay’adaha Ammaanka ayaan ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah ka bixin Qaraxa iyo siduu u dhacay, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in qof la tuhusan yahay gacanta lagu dhigay, islamarkaana su’aalo la weydiinayo.

Ciidamada Nabad-galyada ayaa billaabay hawl-gal ballaaran oo lagu Xaqiijinayo Nabad-galyada guud ee magaalada, waxaana lagu arakayaa ciidamada booliiska, nabad-sugida iyo millatariga oo gaaf-wareegaya xaafadaha Baladweyne.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Wixii kasoo kordha Qaraxa waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee warsom haddii ALLE ogolaado.