GOBOLKA MINESOTA: oo lagu qabtey sanad guuradii sadexaad ee Hey’adda EGART. ee ka shaqeysa wacyigelinta bulshada.

0
539

Soomaalida qurbaha ku dhaqan ayaa mar kasta isku howlaha inay wax ka qabtaan Horumarka ay u baahan yihiin Soomaalida ku nool Gudaha Soomaaliya. Haddaba ulan aad u ballaaran oo lagu xusayay saddex sano guuradii Hay’adda EGART Foundation oo ah mid ka shaqaysa Waxbarashada ayaa lagu qabtay Safari Hall ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Xuska ayaa waxaa Warbixin Wax-qabadka Hay’ada EGART ku aadan ka jeediyay Cumar C. Maxamed (Biikolo) oo ka mid ah hor-joogayaasha Hay’adda EGART, Wuxuuna xusay inay hay’addan ka shaqayso Gobolka Bariga Afrika gaar ahaan meelaha dhibaatadu ka jirto ee Somalia, waxaana ka dhisnaa iskuulo, Wuxuuna Biikolo xusay in Qorshaha ay ugu jirto sannadkan 2016-ka inay dhisaan afar iskuul oo saddex ka mid ahi ku yaallaan Soomaaliya, halka midka kalena laga dhisayo dagaanka Buur-turaas oo Mandheera ee Dalka Kenya ka tirsan. Isagoo intaas ku daray inay hay’addani tahay mid u furan cid walba oo Soomaali ah oo doonaysa in arrimaha waxbarashada wax lagala qabto, wuxuuse sheegay inay shuruudo, jiraan, kuwaasoo laga akhrisan karo Bartan Internet ee www.egart.org

  Xuska Sanad-guuradii 3-aad ee Hay’adda EGART ee Gobolka Minnesota; Sidoo kale, Cali Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Aqoon-yahanada Gobolka Minnesota ku nool ayaa ku Amaanay Dhalinyaradan kaalinta ay uga soo baxeen bulshadooda, gaar ahaan dhanka horumarinta, waana wax ku dayasho mudan buu yiri Cali.

Madaxa Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa isna xusay Culayska ay hawshaan leedahay isagoo sheegay in Shacabku is-garab-taagaan Hay’adda EGART, taasoo xusay in looga baxi karo dhibaatada iyo aqoon-darrada ka jirta Dalkii Hooyo.

Sh. C/rashiid oo isna ka mid ah culummaa’uddiinka da Gobolka Minnesota ku dhaqan ayaa dadkii Xafladdan  ku sugnaa kala hadlay in wanaagga la isku kaalmaysto, waxna lala qabto Hay’adan iyo kuwa la midka ah, isagoo Tusaalooyin badan u soo Qaatay Waxay Diinteenu na farayso.

Ugu dambeyn, Waxaa Goobta ka hadlay Siyaad C/llaahi iyo Saalax Nuur Saalax oo ka mid ah Ganacsatadda Soomaaliyeed ee Minnesota, waxayna si aad ah u bogaadiyeen howsha ay qabato hay’adda EGART.