ISAIAS AFWARKI; madaxweynnaha dalka Eritria oo sheegey in ay been tahey xaalad cunto yaro ee dalkiisa ka jirta.

0
534

Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa iska diiday in waddankiisa ay kusoo wajahan tahay cabsi laga qabo cuno-yaraan, kaddib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in abaaraha iyo dabeysha El Nino ay Waddamada Bariga Afrika ku sababeen in Mallaayiiin qof ay u baahdaan gar-gaar bani’aadamnimo Caalami ah. Roobabka dabeylaha wata ee El Nino ayaa la sheegay inay Sababeen inay kordheen Dadka gargaarka u baahanaya ee gobolka Geeska Afrika ku nool, inkastoo Madaxweynaha Eritrea Afwerki oo dalkiisa xayiraado ay saaran yihiin uu sheegay inaysan jirin cabsi ay qabaan.

“Iyadoo la eegayo hoos-u-dhac dalagga beeraha Afrika, ayuu xusay madaxweynaha Eritrea in dalkiisa aysan ka jirin cabsi laga qabo cunno-yaraan kusoo wajahan wadanka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Wasaaradda warfaafinta Eritrea laga soo saaray. Sidoo kale, madaxweyne Afwerki ayaa ku Ammaanay xukuumaddiisa inay xoogga saartay siyaasadda iyo hababka lagu adkeynayo keydka cunnada ee muhiimka u ah waddankiisas.

Bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay ayay Qaramada Midoobay ka digtay in Eritrea ay ka mid tahay waddamada gobolka ee khatarta ay ku hayso cunno-yarida.

“Dabeylaha Daadadka wata ee El Nino ayaa Noqonaysa tii ugu xumaa ee Abid la Diiwaan-geliyo, Taasoo sababtay xaalado Aadamnimo oo gobolka Bariga Afrika ku dhuftay, iyadoo sidoo kale keentay in Dalagga Beeraha uu hoos u dhaco 50% – 90% guud ahaan Gobolka,” ayaa lagu yiri warbixin ay QM soo saartay horraantii bishaan.

Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay in dalka Itoobiya ay cunno deg-deg ah u baahan yihiin 10-milyan oo qof.

Marka la eego Eritrea waxaa yar hay’adaha gargaarka caalamiga ah ee loo ogol yahay inay ka howl-galaan. Halka Qaramada Midoobay ay xaqiijisay in aad loo Xaddiday Goobaha ay tegi karto Eritrea oo dhan, iyadoo Gar-gaarka shacabka Dalkaas loogu talo-galay uu yahay mid xukuumadda lagu wareejiyo.

Kumannaan qof ayaa Eritrea ka Carara bil walba, kuwaasoo sheegaya in ay ka baxsanayaa iyadoo lagu qasbo inay ciidammo noqdaan iyo xad-gudubyo ka baxsan bani’aadamnimada.

Ugu dambeyn, Qoxootiga ka cararaya Ertirea ayaa kaalinta saddexaad ka galay Qoxootiga galaya Qaaradda Yurub, marka laga reebo qoxootiga ka cararaya dalalka Afgaanistaan iyo Suuriya.