(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Iyadoo Ay Dhawaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Isaga Huleeleen guud Ahaanba Magaalada Muqdisho Ayaa Waxa Uu Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare Ee Xarakada Al-Shabaab shaaca ka qaaday inuu jiro Dagaal u dhaxeeya Madaxda Xarakada Al-Shabaab.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare Ee Xarakada Al-Shabaab oo la hadlay Warbaahinta waxa uu Shaaca Ka Qaaday inuu jiro Qilaaf u dhaxeeya Saraakiisha Sar Sare Ee Xarakada Al Shabaab.
Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa Sidoo Kale Ku Nuux Nuuxsaday in Qilaafka u dhaxeeya Xarakada Al Shabaab uu salka ku hayo ka Qalab Qaadashadii Xarakada Al Shabaab ee Magaalada Muqdisho
Waxa Uu Sidoo Kale Shiikha Sheegay In Ay Isku Qilaafeen Xuskii Loogu Sameeyey Degmada Afgooye Hogaamiyihii Ururka Al-Qaacida Sheekh Usaama Binu-Laadin oo Madaxda Qaar ay KA Soo Horjeedeen Walow Arinkaas Ugu Dambeytii Xal Loo Helay Waa Sida Uu Hadalka U Dhigay Sh.Xasan Daahir
Shiikha ayaa waxa uu Hadalkiisa ku sheegay in marar Fara badan ay soo jeediyeen isaga iyo Saraakiil kale oo ka mid ah Xarakada Al Shabaab inay isaga Huleelaan Guud Ahaanba magaalada Muqdisho si Buuyiri Dagaalka ay uga dhigaan sida kuwa dalalka Afghanistan iyo Pakistan Laakiin Arikaasi Ayaa waxaa Ka oo hojeestay Ayuu Yiri Shiikh Xasan Daahir Saraakiisha Ka Carartay Iminka Magaalada Muqdisho
Xasa Daahir Ayaa waxa Uu Kaloo Sheegay ina y Ku Qaldanaayeen Xarakada Al-Shabab in ay ladagaalamaan Ciidamada TFG-da iyo Waliba Kuwa AMISOM Al Shabaab Ma Wataan Wax Taangi Ah AMISOMna Waxay Ku Dagaalamayaan Kaarooyin Ayuu Yiri Xasan Daahir
Dhamaadkii Ayuu Shekh Sheegay In Xarakada Al Shabaab ay wali ku Suganyihiin Qeebo Ka Tirsan magaalada Muqdisho islamarkaana ay sii Kaxeyndoonaan Dagaalada Ay Kula Dagaalamijireen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay u badaleen Weeraro Goos Goos ah inta ay dalka ka saarayaan Dowlada TFG-da Iyo Waliba Ciidamada AMISOM.
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)





