Xaaladda Qaxootiga Soomaalida ee Liboye

0
231

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa weli ku sii qul qulaya dalka Kenya, kuwaasoo iyagoo aad u tabar darreeyay ka soo gudba Liboye.

Qaxooti Soomaaliyeed oo aad u tabaaleysan ayaa weli ku Qul Qulaya dalka Kenya, kuwaasoo ka soo cararaya abaar iyo macluul ku habsatay deegaamadii ay ku noolaayeen.

Hase yeeshee dadkaasi waxay hakad ku galaan halka xuduudda looga gudbo Kenya ee Liboye si ay u maraan baaritaan iyo diiwaangelin.

Qaxootigaasi ayaa u badan haween iyo caruur, kuwaasoo halkaasi soo gaara iyagoo aad u tabardarreeyay, nafaq-darrina ay hayso
Qaar Ka Tirsan Qaxootigaasi  Oo La Kulmay Mid KA Mid Ah Wariyayaasha Wakaalada Wararka Soomaaliyeed  Ee Warsom Ee KA HOwlgala Dalka Kenya ayuu ku soo arkay haween iyo caruur aad u tiro badan oo Qarka u saaran geeri oo haddana fadhiya geedaha hoostood ee Libaye dhanka Soomaaliya.

Qaxootigaasi uguma soo gudbi karaan Kenya, ilaa La diiwaan geliyo, baarisna lagu sameeyo, hawshaasoo badidood aan tabar u haynin.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)