Valerie Amos Oo Booqatasho Ku Timid Magaalada Muqdisho

0
245

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Valerie Amos, Oo Ah Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee xagga arrimaha bini’aadanimadda ayaa booqatay magaalada Muqdisho, si ay ugu kuur gasho xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta magaalada oo ay ku soo qaxeen kumanaan qof oo ay saameysay Baahida iyo macluusha ka jirta gobolada Dalka Soomaalia

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee xagga arrimaha bini’aadanimadda Valerie Amos ayaa waxa ay soo booqatay Isbitaalka Banaadir, halkaasi oo ay ku aragtay qaar ka mid ah bukaanka halkaasi jiifay.

Cabdi Weli Maxamed Cali Oo ah Raiisul wasaaraha Dowlada TFG-da ayay kulan Kula qaadatay Valerie Amos Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee xagga arrimaha bini’aadanimadda Gudaha Madaxtooyada Ee Dalka Soomaaliya,.

Raiisul wasaare Gaas Ayaa Shirkooda kadib Lahadalay saxaafada waxa Uuna u sheegay inay ka wada hadleen in dalka ay yimaadaan ciidamo gaar ah oo ah kuwo galbiya cuntada gargaarka si dadka loo gaarsiiyo.

Valerie Amos, oo iyana halkaasi ka hadashay waxa ay sheegtay inay aad uga xumaatay dhibaada dadka Soomaaliyeed heysata, isla markaana ay ku dadaali doonto sidii ay dadka tabaaleysanWax Ugu Qabanlahaayeen.