Nin la sheegey in uu ilma yar dhiiga ka nuugey oo ciidamada amniga gobolka Togdheer gacanta ku dhigeen.

0
637

Taliyaha qaybta booliiska gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale, ayaa sheegay inay qabteen Nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Ethiopia gaar ahaan qowmiyada Oromada oo lagu eedeeyay inuu ku qashay ilme yar oo Xamda lagu magacaabi jiray deegaanka Wadhan ee dulleedka galbeed ee Burco.

Taliyaha ciidanka booliska Togdheer Axmed Maxamuud Guutale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkani dad qalka ah ee ka soo jeeda dalka Itoobiya sida ugu dhaqso badan loo horkeeni doono maxkamada.

“Waxaan filayaa inuu intuu dadka waa-weyn iska eegay sida aan qiyaasayno uu Guriga u waydaartay. Waayo haddii uu qofku ilaa xadka gaadho oo uu noqdo dhiigyo cab, waxay noqon kartaa inuu yaqaanno habka wax loo xaddo ama loo ugaadhsaddo cidii uu marka isticmaalayo.markaa ilmihii yaraa qoorta ka gooyay oo sida aan filayo horta shaadhkiisa dhiig baa ku yaalla, gacmahana dhiig buu ku lahaa markii la qabtay,” ayuu Taliyuhu yidhi. Taliye Guutaale ayaa intaas ku daray.

“Waxaa qabtay oo aad u dadaalay oo aan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadkii ehelka ahaa ee halkaas deggenaa ayaa arrinta ka hawlgalay. Waxay igu yidhaahdeen raadkii baanu ku joognaa oo aanu haynaa, moobiladaan ka qortay, kaddib ciidammo baan deg-deg ugu diray, ninkii meel deegaankii in yar u jirta ayaana lagu qabtay. Marka haddii xaaladda ajnabiga halkaa marayo waa lagama marmaan in laga hawlgalo oo wax laga qabto intii karaankeenna ah.

” Si kasta ahaatee, dadka ajnabiga ah ee aan sharciga haysan ayaa amar lagu siiyey in muddo bil gudaheed ah Dalka kaga baxaan, Waxaana hadda Amarkaasi markiiba Qaatay Ajnabiga Itoobiyaanka u badan oo dalka sharci rasmiya ku soo gallin.