(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Goorta iyo goobta lagu qabanaayo Shirka wadatashiga arrimaha Soomaaliya ee muddooyinkii la soo dhaafey la isku Afgaranweyeen halka lagu qabanaayo ayaa hadda si Cad Loo Shaaciyay.
New York Shirkii ka dhacay ee golaha amaanka maalintii shalay Kaasi Oo looga hadley xaaladda Soomaaliya isla markaana laga akhriyey warqad uu u direy Dr.Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay in shirkaas la qaban doono 4 – 6 bisha Septmeber taas oo maalmo Qura ay ka dhiman yihiin, waxaana shirku ka dhacayaa magaalada Muqdisho.
Dr. Mahiga Oo shalay booqdey magaalada Muqdisho ayuu kala hadley Dr.Gaas Ajendaha shirka iyo sida Hagidoono.
Goobaha ay Ka Taliso TFG-da Ayuu Sheegay In LAgu Qabandoono Shirka Looga Hadlayo Sida ay uga gudbi doonto nidaamka kumeelgaarka ah, iyo hawlaha la qabanaayo 12 bilood ee soo socda.
KA Gadaal Bixitaankii Xarakada al-shabaab iyo guulihii ay gaareen ciidanka dawladda TFG-da iyo Kuwa AMISOM waxaa hal mar isbedalay xaaladda magaalada Muqdisho, taas oo ka dhigeysa meel ay Dawladda keliya ka taliso.
Waxaa Dadaal Dheer Ku Bixiyay Maamulka Puntland in shirkaas lagu qabto magaalada Garowe, MAdaxweyne Faroole ayaa kulan uu magaalada Nayroobi kula yeeshay kuxigeenka Dr.Mahiga hadda kahor sheegay in shirka lagu qabanaayo magaalada Garowe, ayna mabda ahaan isla qaateen sarkaalkaas laakiin aysan ahayn go’aankii u danbeeyey oo Ay Gaaraabn.
Dr.Mahiga ayaa Todobaadkii La Soo Dhaafay gaarey magaalada Garowe si uu maamulka Puntland ugu qanciyo in shirka lagu qabto caasimadda Soomaaliya isla markaaana ay ka soo qaybgalaan, warar ku agdhaw kulankaas ayaa sheegaya in uu ka duwanaa kulamadii maamulka Puntland la yeelan jirey Dr.Mahiga waxaana muuqata in Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Puntland xiriirkoodi mad-madow soo galay.
Madaxweynaha Puntland Macada In uu tegi doono shirka iyo in uu u diri doono wefdi heerkoodu hooseeyo Taasi Oo Sahli Karta In uu Qilaafkoodii Sii WeynaadDowlada Soomaaliya Iyo WalibaDowlada Buntland.
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




