Taliyaha ciidanka xogga dalka somalia oo sheegey in Kismaayo uu u tagey isku dhafka ciidamo qaranku leeyahey.

0
609

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta soo gaaray Kismaayo, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Jubaland, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Jubaland.

Taliyaha iyo saraakiishii kale ee la socday ayaa soo dhaweynta kaddib loo galbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo kulan ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd kula qaateen madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, waxaana intaa kadib taliyaha iyo Saraakiishii kale ee la socotay la geeyay Xarunta Jaamacadda Kismaayo; halkaas oo ay ku xareysnaayeen ciidamada xoogga dalka qeybtooda Jubaland.

Madaxweyne kuxigeeka Jubaland Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga uu hogaaminayo taliyaha ee soo gaaray Kismaayo, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan isaga iyo xubnaha kale ee safarkiisa ku wehlinaya.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna xusay inay u yimaadeen degmada Kismaayo arrimo la xiriira isku dhafka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn,Taliyaha ayaa intii uu ku sugnaa xerada ay ku jiraan ciidanka Xoogga Dalka qaybtooda Jubbaland wuxuu warbixinno ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada ka dhageystay saraakiisha ciidankaasi.