Maxaabiis dhan 66 maxbuus ayna ku jirto haweeneey 68 jir ah oo madaxweynaha dalka KENYA cafis u fidiyey.

0
544

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cafis u fidiyay 66-maxbuus oo Keenyaan ah, kuwaasoo ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Maxaabiistan ayaa 10 ka mid ah waxay ahaayeen haween ay ku jiray haweeney 68-jir ah, taasoo ku xukuneyd xabsi daa’in ama madaxaa-ha-ku-furto. Waxaana maxaabiistan qaar ka mid ah ay u xirnaayeen dambiyo culus.

Kenyatta ayaa markii uu cafiska kaga dhawaaqay xabsiga dhexe ee dumarka oo ku yaalla xaafadda Lang’ata ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa illinka xabsiga dabaal-dag weyn ku sameeyeen maxaabiistii cafiska loo fidiyay.

Cafiska maxaabiistan kaddib ayaa waxaa la geeyay dhammaantood madaxtooyada Kenya, halkaas oo uu kulan kula qaatay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumaddiisa.

Maxaabiista ayaa si aad ah u soo dhaweeyay cafiska uu Uhuru Kenyatta u fidiyay. iyadoo ay haweenka ay ka mid ahayd, Teresia Wanjiku oo 68-jir ah, iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay cafiska loo fidiyay.

Ugu dambeyn, Teresia ayaa ku jirtay muddo 24-sanno ah, waxayna sheegtay in cafiskan uu ula mid yahay sidii iyadoo la siiyay hadiyad qaalli ah oo weligeed aan la siin. iyadoo intaas ku dartay in muuqaalka magaalada uu aad uga duwan yahay markii la xirayay.

Si kastaba ha ahaatee, cafiskan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor Kenya looga dabaal-dagay sannad-guuradii 52-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaas xorriyadiisa ka qaatay gumeystihii Ingiriiska.