Mas’uuliyiiinta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka ayaa maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka, xilli si weyn loogu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee Somalia ka dhici doonta.
Kulankan ayaa ka barbar-dhici doona wareegga labaad ee shirka madasha wada-tashiga Qaran ee shalay ka furmay Muqdisho, waxaana la filayaa in madaxdu ay ka hadlaan arrinta doorashada ee lagu kala aragti-duwan yahay.
“Maadaama shirku socdo… illaa iyo hada go’aan rasmi ah oo la gaaray ma jiro… maanta waxaa jiri doona shir gaar ah ay yeelanayaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka Somalia iyo madaxda maamul-goboleedyada, waxay isku dhaafsan doonaan aragtiyo ku aaddan hannaanka geedi socodka doorashooyinka,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Somalia Daa’uud Aweys oo Warbaahinta la hadlay.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in shirkan marka uu dhamaado uu jiri doono kulan kale oo ka dhici doona dalka Turkiga, halkaasoo lagu soo bandhigi doono natiijada kasoo baxa kulankan.
Nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta ayaa si aad ah loogu kala aragti duwan yahay, iyadoo maamullada Jubbaland iyo Puntland ay soo jeediyeen inay noqoto doorashada dhici doonta sannadka soo socda mid u dhacda qaab deegaan, halka maamullada Koonfur-galbeed iyo Galmudug ay soo jeediyeen in doorashada soo socta ay noqoto mid ku dhacday qaabkii hore ee 4.5-ka.
Ugu dambeyn, waxaa lagu wadaa maanta in lasoo gaba-gabeeyo shirka wada-tashiga doorashooyinka dalka ka dhici doona, iyadoo aan la ogeyn wuxuu noqon doono go’aanka kama dambeysta ah ee lagu gaaro shirkan.