Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Shiikh Shariif Sh. Axmad Oo Ah Madaxweynaha Dalka Soomaaliya iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Daara salaam ee dalka Tanzaania Isagoona Ka Soo Ambabaxay Magaalada Kampalla Ee Xarunta Dalkaasi UGANDA halkaas oo lagu Wado in ay Wadahadallo kula yeesho Madaxweynaha dalkaasi Tanzania iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaTanzaania.
Mid Ka Mid Ah Wafdigii Uu Hogaaminayay Madaxweyne Shariif Laguna Magacaabo C/qaadir Wehliye oo ka tirsan xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa Lahadalay Aalada Warfaainta Una sheegay in Madaxweyne Sh. Shariif Uu Caawa kulan la Qaadan doono dhiggiisa dalkaas Tanzaniai.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo ambabaxay magaalada Kampala halkaas oo uu wadahadal kula Soo Qaatay Madaxweynaha dalkaasi UGANDA.
Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)





