Ciidamada AMISOM Oo isku fidiyey waqooyiga Muqdisho

0
328

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Kadib markii xarakada Mujaahidiinta al-Shabaab ay ku dhawaaqeen in ay isaga baxeen magaalada Muqdisho isla markaana ay wax ka beddeleen qaabkii ay u dagaal tegi jireen, ayaa wararka aan ka helayno qaar kamid ah degmooyinkii ay wax ka joogeen al-Shabaabku waxaa si tartiib ah isugu fidiyey ciidanka AMISOM iyo kuwa dawladd Soomaaliya.

Degmooyinka Cabdicasiis iyo Shibis oo markii hore qaybo kamid ah ay ku sugnaayeen Xarakada al-Shabaab ayaa hadda waxa gudaha u galay xaafadaha degmadaas ciidanka AMISOM oo wata taangiyada dagaalka, mana jirin wax iska hor imaad ah oo halkaas ka dhacay, iyada oo maalmihii la soo dhaafey la hadalhayey in halkaas ay weli ku harsan yihiin Ciidammo Ka tirsdan Xarakada Mujaahidiinta al-Shabaab

Ciidamada AMISOM ayaa halkaas ka samsytey saldhigyo, waxaana la sheegay in ay horey uga sii gudbayaan.

Dhanka kale waddada dheer ee Wershadaha ayaa waxaa isku soo fidinayaa ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Burundi, kuwaas oo maalintii shalay gaarey waddo jay ah oo gasha degmada Dayniile oo Ay sameeyeen.Xarakada Mujaahidiinta al-shabaabku

Qaybo kamid ah xaafadda Heliwaa sida suuqa xoolaha ayaa la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan al-Shabaab, waxaa wararku sheegayaan in Xarakada shabaab ay weli ku harsan yihiin qaybo kamid ah Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Ciidamada ka socda Midowga Africa ayaa dalbaday ciidamo dheeri ah si ay u wada sugaan amaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana maalintii shalay soo baxay war sheegaya in Uganda qorsheyneyso in ay u diraan Muqdisho ciidamo dheeraada ah kuwaas oo gaaraya 2000 oo Askeri.

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)