Uganda Oo 2000kun Oo Askeri Ku Kordhineysa Ciidankii ka Joogey Muqdisho

0
255

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay soo gaaray magaala-madaxda waddanka Uganda ee Kampala.
Madaxweynuhu waxa uu shalay galabnimadiiba la kulmay Taliyaha ciimada Uganda General Aronda Nyakairma, isaga oo dhanka kalana saaka duleedka Kampala kula kulmay Madaxweyne Uganda Yuweri Musaveni.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Guddoomiyhaha Maxkamadda Sare, Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga, wasiirka Haweenka, Taliyayaasha ciidamada Booliska iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Musaveni waxa ay ka wada hadleen dhibaatooyinka macaluusha iyo abaaraha ka jira Soomaaliya iyo kaalinta Midowga Africa ee gurmadka loo baahan yahay.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya war-bixin dheer ka siiyey dhiggiisa Uganada xorrayntii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka xoreeyeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabab; waxaa kale oo ay labada masuul ka wada hadleen xiiriirka Soomaaliya iyo Uganda iyo kaalinta bulshada caalamka uga aaddan u hellidda xal-waara xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Musaveni waxa uu ballan qaaday in uu ciidan gaaraya laba kun oo askari ku soo kordhin doono ciidamada dalkiisa ka jooga Soomaaliya, isaga oo dhanka kale ballan-qaaday in Uganda iyo AMISOM aysan aqbali doonin in dhulka laga xoreeyey Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uusan gacanta u gelindoonin cid aan ahayn dowladda Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)