Kulankii shalay golaha Wasiirada ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan amniga Magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee Gobollada dalka ee dowladdu ay maamusho.
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Max’ed ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay weeraro kala duwan ay fashiliyeen oo Al Shabaab inta badan ay doonayeen in ay Muqdisho ka fuliyaan.
Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay amniga guud ee dalka gaar ahaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab iyo dilal qorshaysan oo ay ka fuliyeen asbuucii la soo dhaafay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay weeraro ay qorshaynayeen isagoo xusay dhinaca kale in deegaano dhowr ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya in ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey Daacish iyo Al Qaacida halkaas oo ay isaga dileen saraakiil iyo Dagaalamayaal badan





