Maraykanka Oo Lacag Dul dhigay 6- Ka Mid Ah Saraakiisha Al-Shabaab

0
447

Dowladda Maraykanka gaar ahaan waaxda abaal marinta cadaaladda ayaa lix milyan oo dollar dul dhigtay Axmad Diiriye (Abuu Cubeyda) oo ah madaxa Al-Shabaab, kaasoo bishii September ee sanadkii tagay 2014 noqday hogaamiyaha maleeshiyada Shabaab, kadib markii duqeyn Maraykanka uu ku dilay Axmad Cabdi Godane oo ahaa hogaamiyihii hore ee ururkaasi.

Mahad Karataay, Macallin Daa’uud iyo Xasan Afgooye oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale iyana min shan milyan oo dollar la dul dhigay .

Saddexdan xubnood ee la dul dhigay min shan malyan oo dollar ayaa lagu eedeeyey ka shaqeeyaan abaabulka weeraro ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo askareynta dhalinyarada.

Waxaa sidoo kale min seddex malyan oo dollar la dul dhigay Macallin Salmaan iyo Axmad Iimaam Cali.

 

Maraykanka ayaa ku eedeeyey Macallin Salmaan inuu madax u yahay dagaalyahanada Shabaab ee ka soo jeeda dalalka Africa, halka Axmad Iimaam Cali lagu eedeeyey inuu Shabaab u qaabilsan yahay askareynta dhalinyarada Kenyanka ah.