Golaha xisbiyada soomaaliyeed iyo kuwo kale oo kulan balaaran ku yeeshey muqdisho mudo 2 cisho ah aqri go aanada ka soo baxey.

0
461

Golaha xisbiyada soomaaliyeed oo ka kooban 17 xisbi siyaasadeed iyo kuwo kale oo ka madax banaan ayaa mudo labo cisho ah kulan balaaran ku yeeshey iyagoo ka doodayey xeerka qabyo qoraalka xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira iydoo laga soo saarey qoraal qeexaya ka dhidda ama ku darida qabyo qoraalka qodabadiisa kala duwan,waxeyna xisbiyadu dul istaageen gebi ahaantiisna walaac ka muujiyeen awoodda waxa loogu yeerey xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasada dalka soomaaliya.

 

Xisbiyadan oo ka koobnaa ilaa 15 xisbi ayaa markii kulankoodu soo dhamaadey waxey la hadleen warbaahinta sheegeyna in ay u gudbiyanayaan heyadaha dalka ee uu khuseeyo iyo beesha caalamka daneysa arrimaha soomaaliya,waxeyna ugu baaqeen q/midoobey,xukuumadda soomaaliya iyo umadda soomaaliyeed in aan dib loogu celin dhibaatooyin uu kasoo gudbey 2016kana la helo doorasho xor ah oo ku saleysan nidaamka xisbiyada badan.

 

Xisbiyadan ayaa sheegey in dalka doorasho madax banaan ay ka dhici karto hadii xukuumada hada jirtaa ay daacad ka tahey,waxeyna xisbiyadu u mahad celiyeen hey adda OSLO CENTER oo kulankaan fududeysey,una dhaq dhaqaada xuquuqda aadanaha iyo dimuquraadiyada.

 

DHanka kale qaar kamid ah xisbiyadii kulanka ka qeyb galey ayaa cambaareeyey kana soo hor jeestey darbiga ay dawlada kenya ka dhiseyso xuduudka laba dal u dhaxeeya,taas oo ay xisbiyadani ku sifeeyeen in kenya dharka usoo dhigatey in ay boobto badda iyo beriga soomaaliya iyadoo ka faa idesaneysa marxalada dalku marayo ayna ku daaban yihiin shaqsiyaad oogada somaali uga eg balse damiirkooda hoose yahey dhuuni qaatayaal u adeega cadawga soomaalia iyagoo ugu danbeyntii ugu baaqey umadda soomaaliyeed in ay si wada jir ah uga hortagaan cadawga cusub ee hororka ku ah ciiddooda iyo baddooda.