R/wasaaraha soomaaliya Cumar C/rashiid oo booqdey qaxootiga soomaalida ah ee ku jira xeryaha kenya.

0
455

raIyadoo la wada ogyahey sida uu maanta amniga dalka soomaaliya uu yahey ayaa xukuumada Cumar C/rashiid waxey halgan adag ugu jirtaa sidii loo soo rari lahaa in ka badan 500.000 qof oo in kabadan 20 sano ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka kenya,kuwaas oo ku noolaa duruufo aad u adag oo ka mid yihiin kufsi iyo tarxiil joogto ah.

 

Waxey u muuqataa in xukuumada uu hugaamiyo Cumar C/rashiid ay si uun wax ugu dooneyso qaxootigaas soo raridiisa iyadoo aysan jirin meel loo diyaariyey iyo agab ay ku noolaadaan isagoo r/wasaaruhu maanta yiri oo kaliya dalkiinii ayaa idiin baahan ee kusoo laabta aan waxba la socon.

 

Dad ku dhawdhaw safaarada ay soomaaliya ku leedahey kenya ayaa shabakada wararka warsom u sheegey in uu jiro heshiis u dhaxeeya xukuumada Cumar C/rashiid,dalka kenya iyo heyadda qaxootiga ee U.N.H.C.R iyagoo ku heshiiyey in la meel mariyo rarida qaxootigan si ay u qeybsadaan lacago loo hayo qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha dalkaasi Kenya,waana la ogaan doonaa halka ay ku danbeyso tuhumadan la xiriirta musuqmaasuqa afrika diloodey.