Dagaal ku dhexmarey al shabaab iyo ciidamada dawlada deg.B/xaawo oo warar dheeraad ah laga helayo.

0
497

dagaal_beeleed-150x150Macluumaad dheeraad ah, ayaa laga helayaa laba weerar oo maanta ay Ururka Al Shabaab ka gaysteen Bartamaha Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo, iyadoo ay ku dhimatay illaa afar qof, oo middi uu ka tirsanaa Shabaabka.

Nin degan Degmada Beled Xaawo, ayaa Dhacdo.com u sheegay labadaasi weerar in ay ka kala dhaceen Suuq Kaboole iyo boosteejada laga raaco gawaarida aadda Xarunta Gobolka Gedo Ee Magaalada Garbahaarey.

“Nimankan waxay wateen gaari yar, waxayna ka yimaadeen wadada ka timaada Tuulo Barwaaqo ee soo aadda Degmada Beled Xaawo. Dad shacab ah iyo askar joogtay boosteejada baabuurta Degmada Garbahaarey aadda laga raaco. Waxayna ku dileen laba qof, oo mid uu askari ahaa.” Ayuu yiri ninkan oo codsaday inaan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

“Gaarigii ayay ku carareen waxay hadana rasaas ku furayn Suuq Kaboole oo ku dhow Isbitaalka Guud Ee Degmada Beled Xaawo, oo loo yaqaano Isbitaalka Khaliil. Askarta ku sugneyd ayaa iyagana rasaas ugu jawaabay, waxaana halkaasi ku dhimatay laba qof oo kale, oo middi uu ka mid ahaa Shabaabkii weerarka soo qaaday.” Ayuu yiri ninka reer Beled Xaawo ka midka ah.

Suggow Cali Barre, Taliyaha Booliska Degmada Beled Xaawo oo ka hadlay dhacdadaasi, ayaa wuxuu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gaarigii weerarka loo adeegsaday, oo Shabaabku ay kaga taggeen duleedka Degmadaasi.

Taliyaha, ayaa cadeeyay in gaarigaasi ay ka dhex helayn meydka ninkii Shabaabka ka tirsanaa ee ku dhintay rasaastii, ay ku caabiyeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan Beled Xaawo.

Suggow wuxuu weerarkan uu ku macneeyay mid uun qayb ka ah dhibaatada, ay mintidiintu ku hayso bulshada Somaliyeed, isla-markaana ay gacan bir ah kaga hortaggayaan.