Madaxweynaha maamulka galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegey in ay shirkad shiineys ah heshiis la galeen ayna rabaan in ay deked ka hir geliyaan magaalo xeebeedka degmada Hobyo,iyadoon wax faah faahin ah oo la xiriirta qandaraaska shirkada lagu siiyey in ay dekedaas dhisto,barlamaankana aan la hor dhigin heshiiskaas la galey iyo sida uu noqonayo mustaqbalka.
C/kariim Xuseen Guuleed oo beesha uu kasoo jeedo ku beer laxawsadey in uu dekeda hobyo dhisayo hadii ay hub siiyaan ayaa kadib hubkii loogu deeqey heshiiskan galey isagoon cidna kala tashan,waxeyna tani abuuri kartaa khilaaf iyo dagaal hor leh oo dhex mara beelaha wada dega magaalada Hobyo horana ay dagaalo u dhemareen taas oo keentey in waqtigan ay magaalada hobyo kala qetbsantahey una kala qeybsantahey beelihii hore ugu dagaalamey.
Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee maamulka gal mudug ay la galaan shirkad ajnebi ah,lamana oga sida ay ugu guuleysanayaan maadaama ay puntland lafteedu ka horjeedo dhismaha dekeda hobyo,sababtoo ah waxey qabaan in dhaqaalaha dekedda boosaaso uu dhaawacayo hadii dekeda hobyo dhisanto iyadoo laga baqayo in gal mudug dhexdeeda uu dagaal ka dhex qarxo ayna kuwada dagaalamaan beelaha gal mudug wada dega.





