Dagaalka ayaa waxa uu dhex maray laba
maleeshiyo beeleed, oo mid ka mid ah ay
dalbatay in gaari xamuul ah laga siiyo
canshuur, halka kooxdii kalena ay diiday.
Ugu yaraan 14 ruux
ayaa lagu soo waramayaa inay ku
geeriyoodeen, tiro 20 ka baddanna ay
ku dhaawacmeen, dagaal maanta
duhurkii ka dhacay xaafada Howl-
Wadaag ee galbeedka magaalada
Beledweyn ee xarunta Gobolka
Hiiraan.
Dadka ku geeriyooday dagaalka ayaa
waxaa u badan maleeshiyadii
dagaalka uu dhex maray.
Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay
laba maleehsiyo beeled oo kuwada
sugan xaafadda Howlwadaag, sida uu
kusoo warramay weriyaha VOA-da ee
magaalada Beledweyne Xuseen Xasan
Dhaqane.
Dagaalka ayaa ka dhashay markii
labada maleeshiyo beeleed ay isku
qabteen gaari xamuul ah, oo mid ka
mid ah labada maleeshiyo beeled ay
dalbatay in canshuur laga siiyo, halka
kooxdii kalena ay ku gacan seertay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka
markii dambe ay ka qeyb qaateen
gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo
yaqaan.
Waxaa socda dadaal waan-waan ah oo
ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka
magaalada, oo lagu doonayo in la
joojiyo dagaalka.





