Xaaladda Magaalada Baledweyne Oo Maanta Degan, Kadib Dagaalkii Shalay Ka Dhacay

0
563

Xaaladda magaalada
Baledweyne ayaa maanta degan kadib
dagaalkii shalay ka dhacay xaafadda
Howlwadaag oo ay ku dhinteen 14 qof,
20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa
dowladda Soomaaliya ayaa la dhigay
goobihii ay shalay dagaalada ka
dhaceen, si ay u kala dhex galaan
maleeshiyadii dagaalka uu dhex
maray.

Sidoo kale beelihii ay
maleeshiyooyinkooda dagaalka dhex
mareen iyo odayaal kale ayaa la
kulmay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas
Khaliif, si xal buuxa looga gaaro
dagaalka, waxaana la sheegay inay
nabadda aqbaleen.

Iska horimaadkii shalay oo 14 qof ay
ku geeriyoodeen 21 kalena ay ku
dhaawacmeen ayaa ka dhashay markii
labada maleeshiyo beeleed ay isku
qabteen gaari xamuul ah, oo mid ka
mid ah labada maleeshiyo beeled ay
dalbatay in canshuur laga siiyo, halka
kooxdii kalena ay ku gacan seertay.