Shirkii 1-Aad Ee Madasha Wadatashiga Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho.

0
472

Magaalada Muqdishu
waxaa maanta ka furmay shirkii
koowaad ee golaha lagu magacaabo
Madasha Wadatashiga oo lagu
sameeyey heshiis ay bishii hore wada
gaadheen madaxda dawladda
federaalka iyo maamul goboleedyada.

Madasha oo ay ku jiraan
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan
Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha
Baarlamaanka Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaaari, Ra’iisdul Wasaare
Cumar Cabdirashiid, wasiiro iyo
wakiillo ka socda Maamul Goboleedyada ayaa u xil saaran inay kasoo talo bixiso sida doorasho uga
dhici karto Soomaaliya sannadka
dambe marka ay dhammaadaan
muddada afarta sano ah ee la doortay
dawladda iyo baarlamaanka
Soomaaliya.

Furitaanka shirka ayaa waxaa
hareeyey muran u dhaxeeyay qaar ka
mid ah xubnaha ka qeyb galaya
kullanka, taasi oo dhalisay in laba
saac uu dib u dhaco furitaanka shirka.

Intii uu socday shirka, waxaa
khudbado ka jeediyey madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,
madaxweynaha Galmudug
Cabdikariim Guuleed, madaxweynaha
Jubaland Axmed Madoobe,
madaxweynaha Koonfur Galbeed
Shariif Xasan, madaxweynaha
Puntland Cabdi Weli Gaas iyo
guddoomiyaha baarlamanka Jawaari.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa
habraaca iyo meesha iminka Soomaaliya
ay taagan tahay ay uga gudbi doonto
2016-ka iyo habka doorasho ee la qaadan
doono.