Kenya Oo Sheegtay Iney Soo Badbaadiyeen Macalimad Ay Afduubteen Dagaalyahanada Al shabaab.

0
457

Wasaarada difaaca ee dalka Kenya ayaa
sheegtay in ay soo badbaadisay macallimad
horaantii toddobaadkan ay afduubeen kooxda Al-
shabaab.

Judy Mutua, waxaa laga afduubay Dhadhaab iyadoo
markaasi saarnayd gaari ku socday mid ka mid
ah xeryaha halkaasi ku yaallo.

Milatariga dalka Kenya iyo ciidamada Soomalaiya
ayaa la sheegay in ay soo furteen Ms Mutua,
kadibna la geeyay saldhig ciidamdma Kenya ay
ku leeyihiin Dhoobley.

Maanta ayaa lagu wadaa in loo soo duuliyo
Nairobi.

Alshabaab ayaa beenisay inay wax afduubtay iyo
in la soo weeraray si loo soo daayo macallimada.