Shirkan ayaa socon doono muddo labo
maalmood ah kaasoo ay ka qeyb
galayaan madaxda dowladda,
ururrada bulshada rayidka,
dhallinyarada ganacsato,
aqoonyahanno iyo saraakiisha
laammaha ammaanka.
Shirkan ayaa inta uu socodo looga
wada tashan doonaa sida ugu habboon
ee loola dagaallami karo ururrada
argagixisada iyo dadka xagjirka ah
loogana hortagi karo halista ay
bulshada ku hayaan.
Dhinaca kale dowladda federaalka
Soomaaliya iyo dowladda isku taga
Imaaradda Carabta ayaa maanta
magaalada Muqdisho ku kala
saxiixday heshiis kaasoo dowladda
Imaaraadku ay mushaarka ciidanka
dowladda Soomaaliya la siiyo ay qeyb
ka bixin doonto.





