Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Ansixiyey Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashayoonka Iyo Xuduudaha

0
512

Mudanayaasha Baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ansixiyey gudiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha, kadib kulan saacado badan socday oo ka dhcay xarunta baarlamaanka ee Muqdisho.

Kalfadhiga Maanta Waxaa soo xaadiray 187 xildhibaan, waxaana ajandaha uu ahaa cod u qaadista xubnaha gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha, iyadoo mid mid loogu qaaday codka Waxaana looga baahnaa xubin kasta oo codka loo qaadayey in uu helo codad dhan 94, iyadoo goobta la keenay laba sanduuq oo lagu kala codeenayey.

Xildhibaan kastaa waxaa la hordhigay labo warqad oo xubnaha gudiga magacyadooda ku qornaa oo ahaa Haa iyo May.
Kadib markii la tiriyey codeynta xildhibaanada waxaa dhammaan la ansixiyey gudiga doorashooyinka oo helay dhammaan codadkii looga baahnaa.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa soo magacawday gudiga madax bannaan ee doorashooyinka iyo gudiga xuduudaha, isla markaana waxa ay noqonaysaa qayb ka mid ah u diyaar garowga hiigsiga sanadka 2016-ka.

Hoos ka akriso sagaalka xubnood ee gudiga doorashooyinka sida ay u kala heleen codadka.
Siciid Xaashi Warsame, oo helay 124 cod
Maxamed Xasan Thaani, wuxuu helay 120 cod
Xuseen Cabdi Aaden, wuxuu helay 119 cod
Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod
Maxamed Axmed Nuur, oo helay 117 cod
Cabdiraxmaan Cismaan Dirir oo helay 128 cod
Maxamad Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, oo heshay 102 cod
Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.