Qoysas reer Yeman ah oo qoxooti ah oo ka soo cararay dagaaladda ka socda Yeman ayaa todobaadkan markii ugu horaysay gaaray Muqdisho.
Jaaliyadda reer Yeman ee magaalada Muqdisho ayaa u gurmaday qaxootiga.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Yeman ee Muqdisho Xuseen Saalim Axmed ayaa ka codsaday dawladda Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR in ay u gurmadaan qoxootiga reer Yeman ee Soomaaliya yimid.