Ciidamada amaanka gobolka Nugaal ayaa saakay xiray Agaasimaha Daljir Garoowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan iyo Tifaftiraha Daljir Garoowe Jamaal Faarax Aadan ilaa hadana lama oga sababta xariga iyadoo aysan weli ka hadlin laamaha amniga iyo dowladda Puntland
Gudoomiyaha Ururka MAP Faysal Khaliif Bare ayaa sheegay in Ururku ka xun yahay xarigan oo u sheegay in uu yahay mid sharci daro ah, Gudoomiyaha wuxuu sheegay in xarigan xad gudub ku yahay sharciga saxaafada Puntland iyo xuquuqda saxaafada, wuxuu dowladda ka dalbaday in si shuruud la’aan ah ay u soo sii daayaan.
Agaasimaha Guud ee Radio Daljir Soomaaliya Axmed Sheekh Maxamed Tall-man ayaa sheegay in uu maamul ahaan ka xun yahay xarigan oo uu sheegay in uu yahay mid aan sharci ahayn dowladduna isticmaashay qaab awood ah xad gudubna ku ah xuquuqda saxaafada, Sababta xarigan ayuu ku cabiray in ay tahay caburinta baahinta xaqiiqda dalka.





