Wararka Soomaaliya
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere ayaa Shaaca Ka qaaday In ay Qaraxyo Ismiidaamin ah Ku Qaarajiyeen Saraakiil Mareykan ah Iyo Kuwa Ka Tirsan Ciidamada Amison Ee Ku Sugnaa Jiida Dagaalka Degmada Wardhiigley Ee Gobolka Banaadir
Shiikh Cali Dheere ayaa Sidoo Kale Hoosta ka Xariiqay In uu Qaraxa Ismiidaaminta ahaa U Fulay Sidii ay Ugu Tala Galeen Islamarklaan ay Khaarajiyeen 3 Ka Tirsan Saraakiil Mareykan ah oo Hogaanka U Haya Dagaalada Muqdisho Iyo 8 Ka Tirsan Ciidamada Shisheeye Ee Amisom
Afhayeenka Xarakada Al Shababa ayaa Hadalkaani Ka Sheegay Shir Jaraa’id Oo Uu Ku Qabtay Gudaha Magaalada Muqdisho Ka Dib Markii Uu Dhacay Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ay Fuliyeen Ciidamada Xarakada Al Shabaab
Hadalka Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Shiikh Cali ayaa Imaanaya Xili ay Muqdisho Ka Socdaan Dagaalo Culus Tan Iyo Markii ay Dowladda Qaaday duulaankii ay ku Doonaysay In ay KUla Wareegto Muqdisho





