Afhayeenka Ciidamada Shisheeye Amisom Puddyu Akunda Oo Beeniyey Oraahdii Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Shiikh Cali Dheere

0
385

Wararka Soomaaliya

War Saxaafadeed ka Soo Baxay Xafiiska Afhayeenka Ciidamada Shisheeye Ee Amisom ayaa Lagu Sheegay In ay Ciidamada Amisom Fashiliyeen Weerar Ismiidaamin ah oo ay Al Shabaab la Damacsanaayeen Fariisin ay Ciidamadaasi Dhawaan Ka Sameysteen Xaafadda Xamar Bile Degmada Wardhiigley Ee Gobolka Banaadir

 

Puddy Akunda ayaa Xusay In ay Rasaas Is Weydaarsadeen Naftood Hurayaasha Iyo Ciidamada Amisom Ka Hor Inta aysan Is Qarxin Isla Markaana Ragaasi aysan Soo Gaarinba Goobtii ay Ku Sugnaayeen Ciidamada Amison

Sidoo Kale Afhayeenka ayaa Shaaciyey In ay Rasaastii La Is Weydaarsaday ay Dhaawacyo ka Soo Gaareen Labo Ka Mid ah Ciidamada Amison Ugu dambeyntiiina ay U Geeriyoodeen Dhaawacii Soo Gaaray Aawadeed

Ma Jiro warar Ka Madax Banaan labada Dhinac Oo cadeynayaa Xaqiiqda Dhabta ah Marka Laga Soo Tago In ay Shacabka Muqdisho Dhega U Taagayaan Hadalada Ka Soo Kala Yeera Xarkada Al Shabaab Iyo Dowladda Oo Kaabaya Kuwa Shisheeye