Wararka Soomaaliya
Xildhibaan Khaliif Shire Warfaa oo Ka Tirsan Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa Lagu Khaarajiyey Gudaha Degmada X/Weyne Ee Magaalada Muqdisho
Dilka Xildhibaanka ayaa Waxaa Geystay Rag Ku Hubeysnaa Bastoolada Oo aan Heybtoodo La Garan Sida Wakaalada Wararka Warsom ay U Xaqiijiyeen Goob Joogayal Xaadir ahaa Xilligii Uu Dhacayey Dilkaan
Sidoo Kale Xildhibaan Khaliif ayaa La Dilay Xili Uu Ka Soo Baxayey Masaajidka Marwaas ee Degmada X/Weyne Isla Markaan Ku Wajahnaa Hotelka Uu Ka Degan nYahay Degmada X/weyne Ee 900 hotel
Shaqsiyaadka Dilka Geystay ayaa Durba Ka Baxsaday Goobvta uu Falka Ka Dhacay Waxaa Isla markaaba halka Uu Ka Dhacay Dilka Soo Gaaray Ciidamada Amaanka Degmada X/weyne
Ma Cadda Ilaa Iyo Haatan Sababaha Dhabta ah Ee Ka Dambeysay Dilka Xildhibaankaani Balse Waxa ay Ku Soo Aadeysaa Xilli Xildhibaanada Baarlamaanka ay Ku Sugan nYihiin Deegaanada ay Dowladda Ka taliso Iyagoo Aana Wax Ilaalo ah Wadan





