Baarlamaanka Jubba Oo Si Rasmi Ah Loo Caleema Saarey,Iyo Xasan Sh.Oo Ka Qudbeeyey Halkaasi.

0
465

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacdey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka kumeel-gaarka ah ee Juba. Ujeedadada xafladda loo soo agaasimey ayaa ahayd caleema saarka Xildhibaanada Baarlamaanka Juba oo dhawaan doortey shir guddoonkiisa.

Xafladda caleema saarka waxaa ka soo qayb-galey, Wefdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Jamuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Wufuud ka socotey maamulka Puntland. Sidoo kale waxaa caleema saarka ka soo qaybgalay, wufuud heer caalami ah oo ay kamid ahaayeen, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kiinya, Wakiilka IGAD, Saraakii ka socotey Qaramada Midoobey, Midowg Afrika iyo marti sharaf kale oo badan.

Xafladda caleema saarka ayaa ka dhacdey xarunta Caymiska.

Wasiirrada arimaha dibadda Kenya, Itoobiya iyo madaxdii ka socotay beesha Caalamka ee madasha ka hadashay ayaa dhammaantood soo dhaweeyay baarlamanka cusub ee Jubba, iyagoo ku tilmaamay in ay tahay tallaabo hore loo qaaday, balana-qaaday in ay garab istaagi doonaan maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo isna madasha ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray maamulka, isagoo xusay sheegay in imika uu maamulku marayo in uu dhisto baarlamankiisa, arintaa oo uu xusay in ay ku timid dadaal iyo waqti badan oo ay geliyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa ugu danbeyntii khudbaddii xiritaanka ka jediyey, waxana uu maamulka kumeelgaarka ah ee Juba ku amaaney dedaalka ay ugu jiraan dhamaystirka heykalka maamulka, waxaana uu xisey in muhimaddu tahay in dadku u dhan yahay ee aysan ahayn in dadka la wada qanciyo.

Baarlamaanka maamulka kumeelgaarka ah ee Juba ayaa ka kooban 75 Xildhibaan.