Mid Ka Mid Ah Jufooyinka Beesha Ceyr Oo Eedeyn Dusha Kaga Tuuray Ugaas Xasan Ugaas Max’ed.

0
724

Munaasabad si heer sare Loosoo Agaasimay oo Looga Golahaa Cabashao ku Aadan Beesha Yabadhaale ceyr oo kaga cabaneysa Walaalahooda Reer Tolweyne oo Duud siiyey Saamigii ay ku lahaayeen Maamul u sameynta G/dhexe ayaa maanta ka Dhacday Hoteel Diplumatic ee Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha Dhanka Siyaasada ee Beesha Yabadhaale Ceyr Max,uud Xuseen Tootoow  ayaa ugu horeen ka hadlay munaasabada Waxa uuna Faafaahin ka bixiyey Kulankaan ey isugu yimaadeen beesha Yabadhaale Ceyr iyo Waxa ey ka Tabanayaan Walaalahooda kale ee Tolweyne Ceyr oo Siyaasada isku Kaliyeelay.

Dhanka kale waxaa isna Goobta ka hadlay oo khudbad dhinacyo badan taabayeysay ka jeediyey Gudoomiyaha  dhaqanka beesha yabadhaale Ceyr  Mudane C/laahi Diiriye Saalax oo shaaca ka qaaday in Beesha Cayr ey ka hor istaageen Ka Qeyb qaadashada

Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe oo uu sheehay in hadii ey Ka yabadhaale Ahaan yihiin ey iyagu Xubin Fir fircoon ka ahaayeen U xusul duubashada Dhisida maamuulka uu yeelanayo Mudug iyo Galgaduud
Ugu dambeyntii Waxaa halkaasi ka hadlay Ugaaska  Beesha Yabadhaale  iyadoo lagu Aqriyey Baaq sheegaya inuu Jiro Khilaaf Xoogan oo ka Dhexeeya Beesha Ceyr Iyagoo u kala Qeybsan Tolweyne Ceyr iyo Yabadhaale ceyr kaas oo ka Dhashay Hab qeyb Siga Xubnaha Siyaasiga ee Beesha Saami ahaan u hesho Khilaafkaasi waxa uu soo Taxnaa ilaa Carto ilaa Baarlamanka Somalia ee manta Shaqeeya oo Xubnaha Siyaasada ey Wada  Qaateen Beesha Tolweyne .
DSC06868 DSC06871 DSC06875 DSC06891