wafdi balaaran oo uu horkacayey musharax Xasan Maxamed Nuur Qalaad ayaa maanta ka degey magaalada Cadaado taas oo la filayo in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee ay yeelanayaan maamul goboleed ay yeelanayaan gobolada dhexe waa mudug iyo galguduude.
Musharaxa ayaa waxaa wehliyey xubno isugu jira Siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado waxeyna kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaan odayaasha iyo ergooyinka kasoo jeeda beelaha wada dega Mudug iyo Galguduud isagoo kala hadli doona arimo ku saabsan ololaha madaxtinimo eemaamulka gobolada dhexe la filayo in loo dhiso.
Musharaxa ayaa ah nin aqoon wanaagsan u leh hawlaha maamulka iyo siyaasada shahaadooyin sar sarena heysta,wuxuuna hore ugu kala bixiyey booqashooyin degmooyinka dhuusa mareeb cabudwaaq balanballe Xeraale iyo kuwo kale,iyadoo la filayo marka gaaro doorashada in uu guul kasoo hooyo si kastaba ha ahaatee doorashada madaxtinimo ee gobalada dhexe ayaa waxaa u taagan rag fara badan oo kor u dhaafaya dhawr iyo toban oo qaar ay kasoo jeedaan urur diimeedyo siyaasada hore ugu fashilmey,maatana raba in ay gabaad ka dhigtaan wixii xil ah oo ay gobalada dhexe ka helaan,taas oo u muuqata hami aan hirgeli doonin.
Dhanka kale dawladda federalka oo loo arko mi ku tumaneysa dastuurka iyo qaanuunka dalka u yaala ayaa iyaduna wax ka riixeysa dadka aan kor kusoo sheegney,waana wax laga xishoodo in rag xildhibaano iyo wasiiro ahi ay faraha la galaan maamulda gobolada dhismaya sida uu qabo dastuurka dalka u yaalla.





