Kooxo Yuhuud ah ayaa gubay mid kamid ah masaajidada ku yaal dhulka Falastiin ee la heysto.
Falkan ayaa shalay oo Arbaco ahayd ka dhacay Daanta Galbeed ee Wabiga Urdun, halkaasi maalmahan ka dhacayeen rabshado u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Yuhuuda.
Khasaaro xoogleh ayaa soo gaaray masaajidka, waxaa sidoo kale jira Kaniisad (Sinagoog) ay leeyihiin Yuhuuda oo lagu gubay tuulada lagu magacaabo Shfaram.
Xiisada u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Yuhuuda ayaa sare usii kacday todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii ay Isra’iil ay xayiraad saartay Masjidka Al Aqsa ee ku yaal magaalada Qudus
.




