“Abu-Muscab”Ciidanka Mujaahidiinta Waxa Ay Bartamaha Magaalada Ku Dileen Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Dowladda.

0
511

muscabSheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Al-shabaab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku faah faahiyay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay Ay Ka Sameeyeen magaalada Muqdisho iyo gobollada shabeelaha dhexe iyo shabeelaha Hoose Kuwaasi Uu Sheegtay Masuuliyadiisa.

Sidoo Kale Wuxuu sheegay in Dagaalyahanadooda ay bartamaha Muqdisho ku dileen taliye ku xigeenkii waaxda socdaalka Iyo Jansiyadaha Soomaaliya.

“Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab” Mujaahidiintu waxay Muqdisho ku dileen taliye ku xigeenka murtadiinta ugu magacaawnaa socdaalka wuxuu ahaa Nin gaaladu soo tababarteen oo Interpol-ka katirsanaa”.

Xarakada Al Shabaab waxay xaqiijisay in ciidankeedu maalmahan Muqdisho ka wadaan howlgallo ka dhan ah saraakiisha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa Sidoo Kale ka hadlay Weeraro Kale Oo ka dhacay Duleedyada Baraawe iyo Muqdisho Kaa Oo Ay Ku Bartilmaameedsadeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya Iyo Kuwa AMISOM.