Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya C/wali Sheekh kulan uu la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Birmingham u sheegay in aanay jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, hase ahaatee la tuhunsan yahay in kala aragti duwanaanshaha xilligan u dhaxeysa inay ka dhalatay xil ka qaadista Mr Sanbaloolshe oo aad ugu dhow Madaxweynaha.
7-dii bishan ayay aheyd markii Golaha Wasiirada ay xilka ka qaadeen C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo 9-kii bishii July Madaxweynaha u magacaabay Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka.




