Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maatnta duhurkii ka qarxeen xilli ciidamada shabaabul mujaahidiin ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Ciidamada Nabad Ilaalinta u Jooga Soomaaliya Ee AMISOM.
Maanta duhurkii ayay dagaallo culus ka bilaawdeen deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho,dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Al-shabaab weerareen saldhig ciidanka Amisom ay halkaasi ku leeyihiin.
Saraakiisha Al-Shabaab Ah ayaa sheegaya in ciidamadooda ay hub ka qabsadeen ciidamada AMISOM waxaana hubkaasi kamid ah qoriga PKM-ka loo yaqaan.
Dhawaqa rasaas iyo madaafiic lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay duleedka magaalada Muqdisho,waana markii 2-aad oo isbuucan gudihiisa ay dagaallo ka dhacaan Ceelasha Biyaha.




