Shirkii Kismaayo Oo Fashil Ku Soo Dhamaadey,Iyo Madaafiic Lagu Weeraray Hoyga Axmed Madowe

0
457

gedoWararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in markale ay duqeymo xooggan ku dhaceen xarumo ay degganyihiin saraakiisha maamulka Jubba.

Dagaalyahnada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay fiidkii madaafiic ku garaacay madaxtooyada Kismaayo iyo saldhig ciidan.

Waa habeenkii 2-aad xiriir ah oo duqeymo loo geysto madaxtooyada Kismaayo oo uu ku suganyahay dagaal ooge Axmed Madoobe.

Dhinaca kale waxaa fashil kusoo idlaaday shir dib uheshiisiin lagu sheegay oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday gudaha magaalada.

Mid kamida odayaashii shirka ka qeyb gelayay ayaa sheegay in ay kala dareereen kadib markii ay ogaadeen shirqool uu sheegay in Axmed Madoobe u maleegay odayaasha dhaqanka isagoo meesha ka saaray in shirkaasi fashilmay uu ahaa “shir dib uheshiisiineed”.