Diyaarad ay leedahay Shirkada Duulimaadka Jubba Arweys ayaa maanta ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan”Aadan Cadde”kadib markii ay Garoonka ka baxday Islamarkaana Ay Jiirtay Mid Ka Mid Ah Siligyada Ku Hareereesan Halka Loogu Talagalay In Ay Ku Cararaan Diyaaradaha.
Diyaaradaani Maanta Bur Burtey ayaa La Sheegay In Ay ka imaaday Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ee Mudug,waxaana Dad Goobjoog ah ay sheegeen in Run-wayga, ay Diyaarada ka baxday islamarkaana uu burbur xoogan soo gaaray.
Ku Dhawaad 35 Qof ayaa la sheegay in ay Diyaarada saarnaayeen,kuwaas oo dhamaantood badbaaday oo aysan wax yeelo soo gaarin Waxaana Mudo Saacad Ah Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku yimid hakad kadib Shilkaas Diyaaradeed Mana Ahan Markii Ugu Horeysay Ay Diyaarad Ka Wecato Wadadii Loogu Talagalay In Ay Soo Caga Dhigato.




