
Ku: Madaxda Qaranka Soomaaliyeed
Ku: Xafiiska Qaramada Midowe Ee Soomaaliya
Og: Gudiga fulinta Iyo Arimaha Bulshada Ee Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed
Ujeedo: War Saxaafadeed.
Kadib Kulan Ay Yeesheen Gudiga Fulinta Iyo Arimaha Bulshada Ee Xisbiga Midnimad Jamhuuriga Soomaaliyeed Ayaa Waxa Ay Ku Cambaareeyeen Xaraga Sharcidarada Ahaa Ee Ciidamada Dowladda Ay U Geesteen Gudoomiye Ku Xigeenka XMJS Ahna Ku Simaha Madaxweyne Darmaan Mudane Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Waxa Ay Sidoo Kale Wax Laga Xumaado Ku Tilmaameen Jir Dil Loo Geestay Iyo In Lagu Xero Meel Aan Mansabkiisa Aheen Waxa Ayna Madaxda Dowladda Ka Dalbadeen In Ay Jawaab Cad Ka Bixiyaan Qodobadan.
1: Waxa Sababay In Xisbi Aan Hubeysneyn Weerar Lagu Qaado Xabsigana Loo Taxaabo Gudoonkooda.
2: In Jir Dil Lagu Sameeyo Siyaasi Rug Cadaa Ah Laguna Xerri Godka Jilicow Oo Sida Cad Aan Aheyn Meel Mansabkiisa Ah Islamarkaana Aan Aheyn Meel Lagu Xero Siyaasiyiinta.
3: In Muddo 24-Saac Kabadan Uu Isaga Jiro Xabsi Iyadoo Aan Lasoo Bandhigin Dambi Cad Oo Lagu Heysto .
Sidoo Kale Xubnaha Xisbiga Ayaa Waxa Ay Ka Codsadeen Xafiiska Qaramada Midowe Ee Soomaaliya In Ay Soo Fara Galiyaan Tacadiga Iyo Meel Ka Dhaca Loo Geestay Gudoomiye Ku Xigeenka XMJS Mudane Tima jilic Iyagoona Dhanka Kale Xubnaha Sare Ee Gudiga Fulinta Iyo Arimaha Bulshada Ee Xisbiga MJS Ay Ka Dalbadeen Madaxda Dowlada In Si Shuruud La’aan Ah Ay Ku Sii Daayaan Mudan Tima Jilic.
Gunaanadka War Saxaafadeedka Ay Soo Saareen Gudiga Fulinta Iyo Arimaha Bulshada Ee Xisbiga MJS Ayaa Waxa Ay Xusuusiyey Madaxda Dowladda QM Iyo Shacabka Soomaaliyeedba In Tima Jilic Uu Ahaa Shaqsigii Ugu Horeeyey Ee U Tafa Xeeta Furista Qeybo Ka Mid Ah Wadooyinka Makka Al-Mukarama, Airport,ka, Dekadda Iyo Kuwa Kale Waxaana Taa Badalkeed Loogu Abaal Guday Jir Dil Iyo Xabsi.
Afahayeenka Gudiga Ahna Madaxa Xirriirka Goboladda
Bashiir Ax’ed Sheikh
————————————————




